WARARKA SOOMAALI

Daawo:Dagaal galabta Dharkeyn ku dhexmaray Ciidamada Mamulka Somaliland iyo Ciidan Beeleed Deegaanka ah+Khasaara Somaliland-Video

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal sababay Dhimasho iyo Dhaawac oo maanta dhexmaray Ciidan beeleed kasoo jeeda Deegaanka Dharkayn-geenyo ee Gobolka Sool iyo Kuwa maamulka Somaliland oo Halkaasi soo gaadhay.

Waxaa la sheegay in  maanta Duhurkii Ciidamada maamulka Somaliland ay  la shireen Ciidan beeleedka Deegaankaasi ku sugnaa, waxayna ku War geliyeen inay soo Wareejiyaan  Qoryaha iyo Baabuurta, Islamarkaana  Ciidanka Halkaasi ku sugnaana lagu Daro kuwa Somaliland (Qaramayn), waxaana  Arintasi  Waxgaradka iyo Odayaashu  ay sheegeen inay kasoo Tashanayaan.

HALKAN RIIX DAAWO HANJABADII MAXAMUUD XASHI

Saacado kadib ayaa lagu war helay Iska Hor imaad dhexmaray Labada dhinac,   Waxaana Halkaasi ku dhintay Laba Askari oo kamid ah Ciidanka  Somaliland iyo  Hal Ruux oo kasoo jeeda Ciidamada deegaanka ee la dagaalamay, Waxaana lagu waramayaa inuu Jiro dhaawaca in ka badan 5-Ruux.

Dhinaca kale Ciidamo ka socda Somaliland ayaa iyaguna gaadhay  Deegaanka Saaxdheer,   waxaana Mudooyinkii u dambeeyay Jirtay Xiisad colaadeed oo ka jirtay Koonfurta Gobolka Sool, islamarkaana u dhaxaysa Beelo Halkaasi wada dega.

Maxamuud Xaashi Wasiirka Madaxtooda ee maamulka Somaliland ayaa Dhowaan sheegay inay Awood Ciidan u adeegsan doonaan  Beelaha Koonfurta Gobolka Sool, Islamarkaana ay Meydkooda daadin doonaan sida uu Hadalka u dhigay.

“Cabdi Garaad (Qayaad) iyo Maxamed Garaad (Ba’harrarsame) waanu idinku dhex jirnaa walina waanu idiin maaro la’ nahay, maantana waxaanu qaadaynaa talaabooyin kuwii hore ka xoog weyn, Waxaa noo Dhinaa Inaanu idin Layno  oo Meyd badan oo idinka ah Daadino, Taasna hada ayaad Nagu Khasbaysaan” ayuu yidhi Maxamuud Xaashi Wasiirka Madaxtooyda  ee Maamulka Somaliland.

Wararka Horufadhi.com

SOMALI NEWS

To Top