WARARKA SOOMAALI

Daawo:Ciidamadda AMISOM oo maanta Dad Shacab ah ku xasuuqay Deegaanka Lafoolle ee iyo wararkii ugu danbeeyay-Video

Ciidamo ka tirsan AMISOM ayaa maanta barqadii dad rayid ahaa ku laayey duleedka magaalada Muqdisho, kaddib markii qarax miino lagula eegtay deegaanka Lafoole.

Sida ay sheegayaan wararka Ciidamada AMISOM oo ku safrayay inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye ayaa la kulmay qarax miino iyo weerar dhaba gal ah oo ay ku qaadeen kooxo hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Wararka ayaa intaa ku daraya in Ciidamada AMISOM ay rasaas culus adeegsadeen, waxaana ay dhimasho iyo dhaawac ka soo gaaray dad rayid ah oo wadada marayay.

Sidoo kale Ciidamada AMISOM ayaa toogasho ku dilay Arday ku sugnaa Iskuul, waxaana ardaydaas ka mid ahaa Wariye u shaqeynayay Idaacad Maxali ah oo ku taal degmada Afgooye.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in Ciidamada AMISOM ay dileen tobaneeyo ruux, markii la weeraray kolonyadooda.

Guddoomiye kuxigeenka Arrimaha Bulshada deegaanka Lafoole ayaa sheegay in ciidamada AMISOM ay xasuuq u geysteen shacab, ayna dileen dad fara badan

Diyaarado Helicopter ah ayaa ka sheegay inay ka soo dageen deegaanka Lafoole, kuwaasoo qaaday dhaawacyada askar ka tirsan AMISOM.

Xaalada deegaanka Lafoole ayaa ah mid kacsan, waxaana hakaday isu socodkii gaadiidkii isaga kala gooshayay Muqdisho iyo Afgooye.

SOMALI NEWS

To Top