WARARKA SOOMAALI

Daawo:Cabdiweli Gaas oo Dagaalka ka socda Gobalka Mudug ku sheegay Duulaan Puntland-Video

Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo la hadlay Warbaahinta ayaa ka hadlay dagaalada ka jira qeybo ka mid ah degaanada maamulka Puntland.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Madaxweynaha ayaa ka hadlay dagaalkii u dhaxeeyay Maleeshiyaadka xoolo dhaqatada ah ee maalmihii lasoo dhaafay ka taagnaa degaanka Balibusle ee gobolka Mudug.

Cabdiweli Gaas ayaa yidhi,,sida wax u dhac dhacayaan markaad eegto waxaad moodaa in Puntland Duulaan lagu soo yahay,waana ka taxaderaynaa,,

Gaas ayaa sidoo kale ugu baaqay Maleeshiyaadka dagaalamaya in ay xabadda joojiyaan ,islamarkaana ay nabadda qaataan.

Sidoo kale waxaa uu ka hadlay Qaraxii dhawaan ka dhacay Magaalada Boosaaso ee ay dadku ku dhinteen.

Madaxweynaha ayaa tacsi u diray dadkii ku dhintay Qaraxaasi, waxaana uu ugu baaqay bulshada kunool degaanada maamulka Puntland in ay ka feejignaadaan Weerarada Kooxaha Puntland kasoo horjeeda.

SOMALI NEWS

To Top