WARARKA SOOMAALI

Daawo:Cabdikariin Guuleed oo u ka jawaabay Hadalkii Cabdi Maxamuud Cumar,Muxuu ka yidhi Heshiskuu sheegay-Video

Madaxweynihii hore ee Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa jawaab deg deg ah ka bixiyay hadal ka soo yeeray Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar, kaasoo quseeyay kiiska C/kariin Qalbi Dhagax iyo heshiis horay dowladdii hore ula saxiixatay.

Qoraal uu bartiisa Facebook ku soo qoray ayuu C/kariin Xuseen Guuleed kaga hadlay heshiiska uu sheegay Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar, isagoo tilmaamay in heshiiskaas uu ahaa mid labada maamul goboleed, balse aanu aheyn mid guud.

Waxaa uu sheegay in bishii April ee sanadkii hore 2016 ay rabshado sababay dhimasho, dhaawac iyo barakac ka dhaceen Tuulooyin ku yaalla Xuduuda, taasna ay keentay in wada hadal u taagaan Jigiga, wada xaajood dheer iyo heshiisna ay ku gaareen halkaas isaga iyo Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegay in heshiis horay lala galay Madaxdii hore ee dowladda,  ay dhamaan heshiisyadaas ay ahaayeen quseeyay arrimaha is dhaafsiga maxaabiista oo uu xusay in hada laga jawaabay, maxaabiistii la sii daayay ay qeyb ka aheyd

Halkan hoose ka akhriso jawaabta C/kariin Xuseen Guuleed ka soo yeeray Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya:-

Heshiiskii Jigjiga

Waxaa xusid mudan in dabayaaqadii bishii Abriil ee sanadkii 2016kii ay qalalaaso iyo rabshado dhib, dhimasho, dhaawac iyo barakacba leh ay ka dhasheen  Tuulooyin ku yaala Xuduudda Dowlad Gobaleedka Soomaalieey ee Galmudug iyo Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya, ayadoo arinkaas la xalinayo ayaan wadahal u tagnay Magaalada Jigjiga wadaxaajood dheerna halkaas ku gaarnay heshiis dhex maray labada Maamul ee Galmudug iyo DDSI.
Haddaba maadaama uu Mudane Cabdi maxamed Cumar Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida uu heshiiskaas carabka ku dhuftay mar uu ka hadlayey arinka Cabdixakiin Muuse ( Qalbi Dhagax ) ayaan waxaan rabaa inaan halkaan ku cadeeyo arimaha soo socda:

1. In heahiiskaas uu ahaa mid u dhaxeeyay Labada Maamul Gobaleed ee mid guud uusan aheyn.

2. In heshiiskaas uu ahaa mid xalinayey xasaradaas xuduudda ka dhacday iyo sidii la iskaga kaashan lahaa amaanka iyo xasiloonida Xuduuddda labada dhinac, si loo xaqiijiyo ineysan arimahaan oo kale aysan dib u dhicin.

3. In dhinacna dhinaca kale uusan wax dhib ah oga imaanin xagiisa si amniga xuduudda loo adkeeyo.

4. Heshiiskaan marnaba kuma jirin kumana saabsaneyn wax maxaabiis is dhaafsi ah, anigoo qodabkaas sii cadeynayana

Waxaa xusid mudan in isla xiligaas aan Madaxweyne Cabdi Cumar ka codsaday inuu igu sharfo soo deynta Maxbuus Reer Galmudug u dhashay oo xiligaa ku xirnaa halkaas lana oran jiray CALI CILMI KHAYRE taas oo ay Madaxweynaha Dowlad Deegaanku ay ku adkaatay asagoo leh anigu awood uma lihi inaan qof xukun maxkamadeed uu ku dhacay aan siidaayo oo sharciga iima ogala aniguna waa ka garwaaqsaday, marka haddii uu jiray wax maxaabiis isweydaarsi ah oo aan heshiis ka wadagaarnay markaas ayaa Maxbuuskaas nala soo siin lahaa.

Gabagabadii waxaan rabaa inaan mar kale ku celiyo in nuxurka heshiiskaas uu ahaa sidaas aanana quseynin is dhaafsi Maxbuus.

HALKAN RIIX DAAWO HADALKII CABDI MAXAMUUD CUMAR

SOMALI NEWS

To Top