WARARKA SOOMAALI

Daawo:Boqor Buur-madow oo sheegay in Beesha H/Jeclo aysan dhaqan u lahayn inay iska daba hadashado, Warbaahinta iska Caayaan-VIDEO.

Boqor Cismaan Buur-madow ayaa wuxuu ka hadlay Khilaaf kala qaybiyey beesha Habar-jeclo, Iyo Laba shir oo ay dhowaan Qabteen iyagoo Warbaahinta isaga Jawaabay. Wuxuu sheegay inaan beeshoodu caado u lahayn inay iska daba hadlaan, isla markaana warbaahinta qolqolo isku soo taagaan, wuxuuna ku baaqay in shirka aan la siyaasadeen ee looga arinsado sidii loo abaci lahaa dadkii xooluhu ka idlaadeen, ee caydhoobey.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Wuxuu sheegay inuu soo gaabin doono Safar uu ku joogo Debeda, Islamarkaana uu labada dhinacba la hadli doono, si loo Mideeyo in shir guud ay isugu timaado beesha uu kasoo jeedo, Wuxuuna Xusay inaan dhaqan loo lahaan jirin Kala qaybsanaan dhexdooda ah.

Buur-madow oo hadalka sii wata ayaa xusay in shirkaasi ay filayaan in lagu Midoobo, islamarkaana wuxuu sheegay inay ka ilaalin doonaan Siyaasad oo aan laga sheegi doonin Xisbiga ay ku Biirayaan.

SOMALI NEWS

To Top