WARARKA SOOMAALI

Daawo:Baarlamaanka Somalia oo maanta ka hadlaya arrinta Qalbi Dhagax Kulan Xasaasi ah-Video

Xildhibaanada Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta oo sabti ah yeelanaya kulankooda caadiga ah ee kalfadhiga labaad, kaddib markii ay muddooyinkii u dambeeyay fasax ku maqnaayeen.

Kulanka maanta oo ah mid xasaasi ah ayaa lagu wadaa in looga hadlo arrintii C/kariin Qalbi Dhagax oo bishii hore dowladda Soomaaliya u gacan gelisay iyo go’aankii Xukuumadda ka qaadatay.

 

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa ku kala aragti dooda la xiriirta arrinta C/kariin Qalbi Dhagax, waxaana tan iyo xalay ka socday magaalada Muqdisho kulamo gaar gaar ah oo ay yeelanayeen Xildhibaanada.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Xafiisyada Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo qaar ka mid ah Hotelada ayaa xalay ka socday kulamo aan loo kala kicin, iyadoo looga hadlayay sida arrintan loogu wajahayo marka Baarlamaanka looga doodo kiiska C/kariin Qalbi Dhagax.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya inay macquul tahay in kulanka uu kooram la’aan u baaqdo, maadaama inta badan Xildhibaanada ku maqan yihiin fasixii ciida iyo Xajka oo aan wali laga soo laaban.

Si kastaba ha ahaatee dooda ugu adag ee laga yeelan doono arrinta C/kariin Qalbi Dhagax ayaa noqon doonta mid hareysa Baarlamaanka

SOMALI NEWS

To Top