WARARKA SOOMAALI

Daawo:Al-shabaab oo soo Bandhigay Muuqaalka Askari Keenyaan ah oo ay Mudo badan haysteen iyo wuxuu yidhi-Video

Ururka Alshabaab ayaa soo bandhitgay askari Kenyaati ah oo ay maxbuus ahaan u heystaan, kaasoo baaq u diray dowladda Kenya iyo madaxweynaha dalkaasi Uhuru Kenyatta.

Askarigan oo lagu magacaabo Alfred Dayni Kilasi ayaa kasoo muuqday video ay baahisay Kooxda Alshabaab, wuxuuna dowladiisa weydiistay in la badbaadiyo, isagoo xiran dareyska ciidamada Kenya.

Askarigan ayaa la sheegay inuu ka mid yahay maxaabiistii ay Alshabaab ku qabsadeen weerarkii Ceel-cadde ee Janaayo 2016, kaasoo la rumeysan yahay in lagu dilay tiro ka badan 100 askari oo ka mida ciidamada Kenya.

Muuqaalkan ayaa soconaya 4 daqiiqo ah wuxuuna Alfred Danyi Kilasi dirayaa fariin qeylo-dhaan ah, isagoo dowladiisa, Shacabka iyo Ehelkiisa, ugu baaqay inay badbaadiyaan.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

SOMALI NEWS

To Top