WARARKA SOOMAALI

Daawo Yaabka:Xaaf oo yidhi“Hadaan nahay Maamuladda waan Qadhaabsaneynaa,,Socdaal uu ku joogo Imaaraadka-Video

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Gelle Xaaf oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay inuu ku saxan yahay go’aanka uu ka Qaatay Xiisada Khaliijka, Wuxuuna isagoo hadda ku sugan Imaaraadka Carabta ayaa si rasmi ah u sheegay inuu halkaas u aaday qaraab iyo sidii uu lacag kusoo heli lahaa.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Xaaf ayaa sheegay inuu Imaaraadka Carabta isgiisa aaday oo aysan jirin cid u wacatay, wuxuuna xusay inuu halkaas u tagay sidii uu Xulafada Sacuudiga ugu sheegi lahaa inuusan dowladda dhexe ku raacsaneyn mowqifka ay ka qaadatay Khilaafka Dowladaha Khaliijka.

Wuxuu sheegay inuu halkaas u aaday isaga iyo Madaxda maamul Goboleedyada kale sidii ay lacag usoo heli lahaayeen.

Hadalkaan ayaa muujinayo in Madaxda Maamul Goboleedyada ay uga hor imaadeen mowqifka dowladda dhexe ee ku aadan Khilaafka Khaliijka iyagoo fiirinayo lacagta tirada badan oo ay Imaaradka u adeegsaneyso sidii ay isaga hor keeni laheyd Dowladda dhexe iyo Maamul Goboleedyada.

SOMALI NEWS

To Top