WARARKA SOOMAALI

Daawo Yaabka:-Burco Nin kufsaday Gabadh yar oo uu Hooyadeed qabay iyo Gabadhii yareyd oo dhimatay xaalada ka taagan-Video+Warbixin

Nin lagu magacaabo Siciid Maxamed Faarax (Dugle) ayaa magaalada Burco ku xidhan kadib, Kadib markii ay Halkaasi ku geeriyootay Gabadh yar  oo 9-sano jir ah  oo la Kufsaday, Iyadoona la sheegay in geerida ku timid ay  sababtay Kufsi loo gaystay, Waxaana Arintaasi lagu eedeeyay Ninkii Hooyadeed Qabay.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Farxiya Maxamed Salaad oo ah Hooyada dhashay Gabadha yar ee la Kufsaday, ayaa codsatay in Sharciga la waafajiyo cida ka dambaysay Falkaasi, waxaana Gabadha ay horey ugu dhashay  lagu magacaabo C.risaaq C.laahi Salaad Nuur oo ay kala tageen.

Maamulka Gobolka togdheer ayaa sheegay inuu Xidhan yahay Ninka loo haysto Arintan,kadib markii laga shakiyey, Waxayna sheegeen inuu kufsigu ka dhacay Gaalkacyo, Gabadhana Ninka Hooyadeed Qabay ee kufsadya uu Dhakhtar u keenay Burco, Inkastoo aan si Rasmiya loo hubin Cida Kufsatay Gabadha.

SOMALI NEWS

To Top