WARARKA SOOMAALI

Xuutiyiinta Yemen oo sheegtay inay nolosha ku qabteen kumanaan ka tirsan Ciidanka Sacuudiga-Video

Sanca (HM)-Jabhadda Xuutiyiinta dalka Yemen ayaa shaaca ka qaaday inay nolosha ku qabteen kumanaan ka tirsan Ciidanka Sacuudiga, kaddib weerar xooggan ay ku qaadeen goob ku dhow xuduuda labada dal.

Afhayeen u hadlay Jabhadda Xuutiyiinta Yemen ayaa u sheegay BBC in illaa saddex guuto ka tirsan Ciidamada Sacuudiga ay is dhiibeen, isla markaana ciidan kale la dilay, intii howlgalka socday.

HALKAN KA DAAWO

Howlgalkan ayaa ahaa kii ugu weynaa ee dhaca ee kumanaan askari looga qabto Sacuudiga, tan iyo markii uu bilowday howlgalka Xulafada Sacuudiga.

Telefishinada ku hadla afka Xuutiyiinta ayaa la sheegay in lagu soo bandhigi doono ciidamada la qabtay, sida uu xaqiijiyay Afhayeenka Jabhadda Yaxya Sariya.

Xuutiyiinta Yemen ayaa dhowaan sheegtay inay ka dambeeyeen weeraradii loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyana laheyn oo lagu burburiyay xarumaha shidaalka ee Sacuudiga.

 

SOMALI NEWS

To Top