WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Wasiir Cawad oo ka hadlay arrinta maamulka Soomaliland & Dowladda Federaalka, kiiska Badda iyo arrimo kale-Video

Muqdisho ( HM ) Wasiirka Arimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa Waraysi Xiiso leh oo dhinacyo badan taabanaya Wuxuu siiyey Barnaamijka Dhulmar ee ka baxa Horufadhi Media qaybta caalamiga ah isla markaana uu soo saaro Wariye Saleebaan Xaashi.

Cawad ayaa ka hadlay Halka uu marayo Arinta Muranka Badda ee ka dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya, Wuxuuna xusay in go’aanka laga sugayo Maxkamadda Caalamiga ah ee ICJ.

Wuxuu ka hadlay Xaalada dalalka Khaliijka iyo Go’aankii dhex-dhexaadnimo ee Dawladda Soomaaliya ka qaadatay Cunaqabatayntii Dalka Qatar, Wuxuuna sheegay in go’aanka ay Soomaaliya qaadatay aysan Cidna marti uga ahayn, Balse ay Jiraan dalal Soomaaliya Quudhsaday, kuwaasi oo aan Faragelin dalalka kale ee go’aanka Soomaaliya oo kale qaatay.

HALKAN KA DAAWO

Dhinaca kale Wasiir Cawad ayaa wuxuu ka hadlay Halka uu marayo Wadahadalkii DF-Soomaaliya iyo Somaliland, Gaar ahaan gudigii uu Madaxwayne Farmaajo magacaabay.

“Waxaa la gaadhay Xiligii dadka Soomaaliyeed uu ka gudbi lahaa Colaadihii iyo Tabashadii jirtay, waana midaas mida aanu u jeedinayo Somaliland “.

Sidoo kale wuxuu ka hadlay Kulamadii ku dhexmaray Madaxda DFS iyo masuuliyiinta Somaliland dalka Sucuudiga iyo wuxuu daaranaa.

SOMALI NEWS

To Top