WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Xukun toogasho ah oo ku dhacay eedeysane fuliyey weerar lagu dilay Wadaad Suufi ah-Video

Gaalkacayo (HM)-Maxkamadda Ciidamadda Soomaaliya ayaa Khamiista maanta ah waxay dil toogasho gadhka u gelisay Cabdullaahi Cali Aadan.

Aadan oo “lagu helay” Al-Shabaabnimo iyo weerarkii 26-kii November 2019 lagu ekeeyay xarun ku taala Gaalkacyo ayaa kasoo jeeda Koonfur Galbeed.

Duulaanka lagu qaadey xarunta oo uu maamule ka ahaa wadaadka Cabduweli Sheekh Cali Cilmi Yare ayaa lagu dilay 14 oo uu ku jiro Wadaadka.

Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda ayaa qiil ka dhigatay in uu “caayey” Nabi Maxamed NNKH “una dhigtay” tirro dhowr jeer ah.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Dacwad-oogeyaasha ayaa ku adkeystay in xukunsanaha uu degaankiisa uga yimid “si uu u laayo dad shacab ah oo aan waxba galabsan”.

Qareenkiisa oo ku doodey “in la dhuufsaday” ayaa soo jeediyey in loo naxariisto maadaama “uu yahay wiil dhalinyaro ah oo la marin-habaabiyey”.

Garsooreyaasha oo xukunka ku dhawaaqay ayaa waxay shaaciyeen in go’aankooda uu yahay qisaasta dadkii ku naf-waayey weerarkaas.

Marxuumiinta ayaa waxaa kamid ah caruur iyo askari, sidda ku xusan warqadda dacwadda oo nuqul kamid ah ay aragtay warbaahinta Maxaliga ah.

Cabdullaahi ayaa xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida wuxuu kaga biiray 2014-kii degmadda Qansax Dheere ee gobolka Baay, koonfurta Soomaaliya.

Sidda la sheegay, maadaama hooyadii ay dhimatay Aabihii ayaa lasoo wariyey in uu ka saacidi jiray koriinka caruurtooda oo gaaraya illaa iyo afar.

Iyadda oo aan la ogayn waxa ku kalifay in uu xagjiroobo, kiisas la xiriira xubno ay dharuuf-haleeshay kadibna kamid noqday ururka ayaa horey loo arkay.

 

SOMALI NEWS

To Top