WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Soomaaliland u digtay dadka u safra Xamar, xili Farmaajo qaabilay Cabdiraxmaan Aar oo baxsad ka ah Muuse Biixi-Video

Hargeysa (HM) ― Maamulka aqoonsi raadiska ah ee Somaliland ee uu hogaamiyo  Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta ka hadlay Siyaasiyiinta iyo dhalinyarada reer Somaliland ee u safra Magaalada Caasimadda u ah dalka dhaca qaaradda Geeska Afrika ee Xamar.

Somaliland ayaa sheegtay in Siyaasiyiinta iyo dhalinyarada reer Somaliland ee u safra Muqdisho, aysan waxba ka badaleyn qadiyada Somaliland ee gooni isku taaga, sida uu ahaa hadalka kasoo yeedhay maamulka Hargeysa.

Baashe Maxamed Faarax, Guddoomiyaha golaha wakiillada maamulka Somaliland oo arrintaasi ka hadlaya, ayaa ka dhawaajiyey in aan loo dulqaadan doonin Shaqsiyaadkaasi, isla markaana ay xukuumadu marin doonto shuruucda dalka sida uu hadalka u dhigay masuulkan kasoo jeeda Gobolka Sool.

“Madax ha ahaado ama Madax-dhaqameed ha noqdo ama Siyaasi ha noqdee qofka Qaranimada Somaliland ka soo horjeeda waxa la marinayaa Shuruucda Dalka u taalla, loona dul-qaadan maayo” ayuu yidhi Guddoomiye Baashe.

Wuxuuna intaas kusii daray Guddoomiyuhu “Xisbiyada Qaranka waxaynu u samaysanay inaynu Qabiilka kaga tagno. Wixii dhexdeena ah waa loo dul-qaadanayaa, laakiin waa lama taabtaan Qaranimada Somaliland”. ayuu yidhi Baashe.

“Qof dhalinyaro ah iyo Siyaasi Xamar tagaa wuxuu ka beddelayo Somaliland ma jirto, Qaddiyadda Somaliland-na iyaduna waa lama taabtaan”.

Hadalka Baashe ayaa kusoo aadaya xili Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo uu xalay qasriga looga arrimo magaalada xamar uu ku qaabilay Cabdiraxmaan Aar oo baxsad ka ah maamulka Muuse Biixi kadib markii uu Funaanad u astaan eg Calanka Soomaaliya uu ku xidhay Magaalada Hargeysa taas oo uu ku mutay xadhig gaadhaya 3 Bilood, markii xukun la,aan lasii daayeyna wuxuu afka kusoo shubtay Xamar isagoo xalay Farmaajo si heer sare ah usoo dhaweeyay isla markana uu gudoonsiiyey Astaan sharafeed uu ku macneeyay ,,Wadaniyada astaanteeda,,.

HALKAN KA DAAWO CABDIRAXMAAN AAR

Siyaasiyiin iyo dhalinyaro reer Somaliland ah ayaa muddooyinkii u dambeeyay lagu arkayey magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, iyagoo arrimo kala duwan uga hayaamay deegaanada maamulkaas kadib arrimo la xidhiidha xuriyada hadalka iyo astaamaha ay xidhaan, taasoo ay Soomaliland cadaadis iyo cabidhin xoogan ku saartay dhalinyarada aada xamar.

SOMALI NEWS

To Top