WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Xubno u shaqeeya Soomaliland oo duleedka Buuhoodle maleeshiyaad kusoo bandhigay.

Buuhoodle ( HM)  -Xubno sandareero ka qaata maamulka Somaliland ayaa maanta Duleedka magaalada Buuhoodle kusoo Bandhigay Maleeshiyo Beeleed ay sheegeen inay ku Biireen Ciidamada maamulk Somaliland, kuwaasi oo gaadhaya ilaa 100-Askari .

Waxaa halkaasi ka hadlay Saleebaan Ayjeex [Dhagawayne] oo sheegay ciidankan inay difaaci doonaan dhulka Somaliland Sida uu hadalka u dhigay, Wuxuuna dhaliilo u jeediyey   Puntland oo dhowaan Wafdi ka socdaa ay soo gaadheen Magaalada Buuhoodle,  Kuwaasi oo magaalada ka sameeyay Maamul Golle deegaan oo Cusub.

Waxaa Jira Ciidamo Badan oo Been Abuur ah, Kuwaasi oo Lacago looga Qaato Somaliland, Waxaana Xusid mudan in Ciidamadan maanta lasoo bandhigay ay Qaar kamid ah Horay Iyagoo u sheegaya inay Somaliland ka tirsan yihiin ay u Jawaabeen Ciidamo kale oo Puntland ka tirsan.!.

HALKAN KA DAAWO

Dadka Qaar ayaa u Arka inay arintan  ay Culayska isaga Dejinayaan Xubnaha Somaliland u shaqeeya, oo wax Saamayn ah aan ku lahayn deegaanka oo Weli aan kasoo kaban dhibaatooyinkii kasoo gaadhay Dagaaladii dhexmaray Ciidamada Somaliland iyo Shacabka Buuhoodle.

Xubnaha Somaliland ugu magacaaban Deegaanka ayaa dhaqaalle badan ka qaata dhinaca Somaliland, Mana jirto wax qabad muuqda oo keeneen deegaanka.

SOMALI NEWS

To Top