WARARKA SOOMAALI

Daawo Waraysi xiiso leh:-Wasiirkii hore ee kalumeysiga Dr. Cabdiraxmaan Cabdi Xaashi-Video

Muqdisho ( HM ) Waxaanu Halkan idiinku soo gudbinaynaa Waraysi Xiiso badan oo uu Bixiyey Wasiirkii Hore Kheyraadka Badda Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Cabdi Xaashi .

Ugu horayn Dr. Xaashi Wuxuu ka hadlay Taariikhdiisa Nolosha iyo Waayihiisa kala duwan ee Shaqooyinkii uu kasoo Qabtay dalka Maraykanka intii uu ku sugnaa iyo Waxyaabihii uu ka Kororsaday.

Dhinaca kale wuxuu ka hadlay Waxyaabihii uu ka Qabtay Wasaaradda Khayraadka Badda Intii uu Xilka Hayey,  Wuxuuna xusay inaan dadka Soomaaliyeed iyo Dawladda aysan Jirin dhaqaalle kasoo geli jiray, Islamarkaana uu Sameeyay  Daraasad sida looga faa’iidaysan karo iyo Sida loo samayn lahaa Siyaasadaha Kalluunka.

HALKAN KA DAAWO

“Qorshe ayaan dejiyey  Afar sanadood ah, oo sheegayey Tallaabooyinkii la qaadi lahaa , iyadoo Dakhli gaadhay a2 Bilyan oo Dollar uu kasoo Xaroonkaro Kalluunka,  Waxaan kaloo ogaanay inay Jiraan Maraakiib Sharci darro ku Boobi jiray Dalka”.  Ayuu yidhi Dr. Xaashi.

Wuxuu sidoo kale ka hadlay Markab ay qabteen iyo Siday arintaasi ku Suurto gashay, Wuxuuna xusay in Madaxwayne Farmaajo iyo Raysal wasaare Khayre isku khilaafeen In Sharciga la mariyo Markabka sharci darada dalka kusoo galay, Taasina ay keentay inuu Xilka ka tago.

SOMALI NEWS

To Top