WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Xildhibaanada Golaha Shacabka oo wadda Mooshin ka dhan ah Heshiiska Dekedda Berbera-Video+Warbixin

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa sheegay in ay wadaan Mooshin ka dhan ah heshiiskii   Dekadda Magaalada Berbara, maalmihii dembe ayaa waxaa isa soo tarayay hadal haanta hashiiska Dekada Barbara oo u dhaxeeyay Shirkada laga leeyahay Imaaraadka ee Dp World, Soomaaliland iyo Dowlada Itoobiya, kuwaas oo ku hashiiyay saami qeybsiga Dakhliga Dekada Magaalada Berbara.

Dowlada Soomaaliya ayaa hashiiskaas horay ugu timid iyadoona ku tilmaantay in uu yahay mid sharci daro ah isla markaana habraaca loo maray heshiiskaas uu yahay mid aan waafaqsanayn Dastuurka Ku meel gaarka ah iyo shuruucda kale ee uu yaalla Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Xildhibaan Maxamuud Abuukaate oo ka tirsan Golaha Shacabka ayaa sheegay in qaar ka mid ah Xildhibaanada ay wadaan Mooshin ka dhan ah hashiiska Dekada Magaalada Berbara.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

 

SOMALI NEWS

To Top