WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Xildhibaan Jeesow:-Mooshin ayaan ka keeneynaa Wasiirada Xildhibaanada ah-Video

Muqdisho (HM) – Waxaa Maanta Kooram la’aan u baaqday kulankii ay lahaayeen Xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya markii ay soo xaadiri waayeen Xildhibaan badan oo ku sugan Muqdisho.

Qaar ka tirsan XIldhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku hanjabay inay mooshin ka keeni doonaan XIldhibaanada Wasiirada ah ee Maanta si kas ah uga baaqday kulankii Baarlamaanka.

Xildhibaan Daahir Aamin Jeesow oo ka mid ah Xildhibaanadda Golaha Shacabka ayaa digniin adag u diray Golaha Wasiiradda Xukuumadda Soomaaliya qaarkooda xildhibaanada ah oo uu sheegay in ay dhibaato ku hayaan Kulamada Golaha Shacabka.

Xildhibaan Jeesow ayaa wacad ku maray in Xukuumadda Kheyre ay meesha ka bixi doonto haddii Xildhibaanada Wasiiradda noqday ay soo xaadiri waayaan Kulamada Golaha Shacabka.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Waxaa uu sheegay in ay keeni doonaan Mooshin uu garwadeen ka yahay hadii la kala saari waayo Shaqadda Golaha Shacabka iyo Midda Xukuumadda.

“Waxaa balan ku qaadeynaa haddii fadhigan fadhiga ku xigo imaan waayaan Golaha Wasiirada, Wallaahi baan ku dhaartay anaa horkacayo, Mooshin ayaa ka keenyenaa, kuligood waa rideynaa, Ra’iisul wasaaraha ha ogaado”ayuu yiri Daahir Amiin Jeesow.

Xildhibaanka ayaa ka mid ah Xildhibaano ku dhow 20 oo maanta soo gudbiyay Mooshin looga soo horjeeday Ajandaha kulanka ee ahaa Dastuurka, islamarkaana dalbaday in laga dhigo Ammaanka.

Daahir Amiin Jeesow oo ka mid ahaa taageerayaasha Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa dhowaan ka soo horjeestay, isagoo cambaareeyay booqashadii Ra’iisul wasaaraha ku tagay Kismaayo.

In ka badan 40 Xildhibaan ayaa ka tirsan Golaha Wasiirada Soomaaliya, kuwaasoo lagu eedeeyay inay inta badan ka maqan yihiin fadhiyada Baarlamaanka, balse marka xaalad xasaasi jirto ama sharci Xukuumadda la ansixinayo ayay fadhiyada Baarlamaanka yimaadaan.

SOMALI NEWS

To Top