WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Mahad Cawad:-Xamar waa la wada leeyahay balse inta kale Qoysas baa leh-Video

Muqdisho ( HM ) Gudoomiye ku-xigeenka labaad ee baarlamanka Soomaaliya, Mahad Cawad ayaa sheegay in magaalada Muqdisho ay tahay magaalo Soomaali oo dhan ka dhaxeysa, hase yeeshee magaalooyinka kale ee dalka ay kala leeyihiin qabiilo.

“Soomaaliyey aan runta isu sheegno, Soomaali waxaa ka dhaxeeya kaliya calanka bulugga ah iyo Xamar, inta kale waxaa kala leh qoysas” ayuu yiri Mahad Cawad oo ka hadlay kulan lagu qabtay hotel Royal ee magaalada Muqdisho.

“Lama kala sheegan karo Xamar iyo calanka, waxay muujinayaan ficil midow, waxa kaliya ee lagu midoobay waa labadaas” ayuu yiri Mahad Cawad, oo ay u sacaba tumeen qaar ka mid ah dadkii dhageysanayey.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Mahad Cawad ayaa sheegay in Muqdisho ay muujisay inaysan u kala duwaneyn qofka ka yimaada Baay ama Bakool ama Sanaag” ayuu sii raaciyey Mahad Cawad.

Hadalkan ayuu ka jeediyey Munaasibad dhowaan Muqdisho lagu Qabtay oo Dhaqaalle loogu Aruuriyey Cisbitaalo laga dhisayo  Sool iyo Cayn.

Waxa uu sidoo kale sheegay in dhammaan Soomaalida oo idil ay isugu yimaadaan Muqdisho ay astaan u tahay in Soomaali isku soo noqotay, oo laga soo bogsanayo kala qob-qobk

SOMALI NEWS

To Top