WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Xiisad culus iyo saan saan Dagaal oo maanta laga soo sheegayo jiida hore ee Deegaanka Tukaraq,Puntland iyo Somaliland oo-Video

Wararkii ugu dambeeyey ee maanta aanu ka helayno deegaamada Jiidda hore ee Tukaraq, Garoowe iyo Laascaanood ayaa sheegaya in dhaqdhaqaaqyo xoogan ay wadaan ciidamada Puntland iyo Soomaaliland oo fariisimo kuleh duleedka Tukaraq.

Xogta ayaa sheegaysa in Saaka aroortii ay xaaladdu dagaal ku dhowaatay kadib markii ay is heleen kooxo sahan ah oo ku sugnaa agagaarka jiidda hore, inkasto ay ku kala laabteen fariisimadooda si ay gurmad u heleen taasina ay baajisay dagaal saaka dhaca Deegaanka kaas oo ay isku fara saaraan Maamuladda Puntland iyo Somaliland.

Saraakiisha hoggaaminaysa labada ciidan ayaa u muuqda kuwa u diyaar garoobay dagaal culus oo ka dhaca deegaanadaas, waxaana ilaa hadda aan muuqan saan-saan dhameystiran oo dagaal looga baaqsanayo iyo waliba wax dhex dhexaadin ah iyadoo saan ognahay ay horay Beesha Caalamka iyo Wadamadda dariska ahba faraha uga qaadeen qabojinta xiisadaas kadib markii uu Muuse Biixi ka dhaga adeygay in ciidankiisu ka laabtaan Deegaanka Tukaraq isaga oo ku adkeysanaya in ay tahay dhul Somaliland.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Dhanka kalena, wararkii ugu dambeeyey ayaa sheegaya gaadiidka dagaalka iyo ciidamada labada dhinacba ilaa xalay ay si buuxda u joogeen Tukaraq iyo deegaano badan oo cabsi laga qabi karo in ay saameyn ku yeeshaan dagaalo dhaca.

Maamulka Somaliland ayaa horaantii sanadkan waxaa u la waregay deegaanka Tukaraq kadib iska hor imaad aan dhiig ku daadan oo dhex maray Ciidamadda Maamulka Puntland ee iyagu halkaas horay ugu sugnaa.

Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top