WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Jawaari oo maanta Baarlamaanka kaga hor dhawaaqay in uu si rasmi ah isku casilay iyo hadalkii uu kulanka ka jeediyay-Video

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa maanta kulan ku yeeshay xaruntooda Muqdisho, waxaana kulanka maanta Golaha Shacabka hor tagay khudbadna ka hor jeediyay Gudoomiyihii is casilay Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Jawaari ayaa Xildhibaanada hortooda ku sheegay in uu iska casilay Gudoomiyaha golaha Shacabka, waxa uuna shaaciyay in aysan jirin koox guuleesatay ama koox laga guuleestay , wazxa uuna cadeeyay in Shacabka Soomaaliyeed iyo sharciga uu guuleestay.

Gudoomiye Jawaari ayaa khudbada uu ka hor jeediyay Xildhibaanada Golaha Shacabka uga hadlay waxyaabo badan, waxa uuna ka sheekeeyay waxyaabihii u qabsoomay intii uu xilka hayay iyo caqabadaihii uu lasoo kulmay.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

SOMALI NEWS

To Top