WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Xasan Sheekh & Sheekh Shariif oo Muqdisho ka wada kacdoon ka dhan ah Dowladda Farmaajo-Video+warbixin

Muqdisho ( HM ) Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud Iyo Shariif Sheekh Axmed oo Maanta Warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa markale dowladda ku eedeeyey hannaanka ay u hogaminayso dalka.

Waxay sheegeen in shirka Iskaashiga ay Puntland iyo Jubbaland in ay ka maqnaadaan ay tahay xaqdarro, waxay DF Soomaaliya ku eedeeyeen in ay Dastuurkii meel iska dhigtay iyaga oo sheegay in aysan ku fiirsaneyn ee wax ka qabanayaan.

“Dawladda ayaa laga rabaa inay ilaaliso Dastuurka dalka,  Waxaanu aad uga Xunahay in Shir lagu qabtay Soomaaliya ay ka Maqan yihiin Maamuladu,  Arintaasi waxay dhiiri gelinaysaa inuu dalku kala Fur-furmo,  Waxaanu go’aansanay inaan idiin sheegno inay tahay Arin aan Fiicnayn”. Ayuu yidhi Sh. Shariif.

HALKAN KA DAAWO

Shariif Sh shariif oo hadalkiisa  sii wata aayaa yidhi “Dowladdii Siyaad-barre haddi aan lagu fiirsadeen siday wax ku wadday dalka waa la badbaadin lahaa, marka maanta kuma fiirsaneyno in sharciga lagu tunto, .Wiilal yaryar cayda waxba naga tarinayso, Dalkan waan u soo shaqeynay sidaasna ku fiirsan mayno”. Ayuu yidhi.

Wuxuu sidoo kale Dawlada ku dhaliilay Arimaha Amniga, Cadaalada iyo  Xidhnaanshaha Qaar kamid ah Wadooyinka Muqdisho.

Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh oo ah laba Siyaasi oo soo hoggaamiyey wakhtiyo isku xigay dalkan Geeska Africa ku yaala ee dagaalada Sokeeye iyo coladaha kasoo kabanaya ayaa hada waxay u muuqdaan kuwo bilaabay olale xooggan iyo kacdoon ka dhan ah Dowladda uu hoggaamiyo Maxamed Cabdilaahi Farmajo, Labadan masuul ayaa waxaa ay maalmahan Muqdisho ka bilaaben olale iyo shirar joogta ah oo lagu dhaliilayo Dowladdan aan wakhtigeedii dhamaysan.

Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top