WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Buuhoodle waftigii Puntland oo loogu hanjabay in deegaanka xoog loga saari doono-Video

Buuhoodle (HM)-Qaar kamid ah  Cuqaasha degmada Buuhoodle iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulkii iska kala harjaday ee Khaatumo oo warbaahinta la hadlay ayaa ka soo horjeestay wefdi ka socday xukuumadda Puntland oo maalmo ka hor halkaasi gaadhay si ay gole degaan ugu dhisaan Degmada Buuhoodle ee gobalka cayn.

Xubnahan la hadlay warbaahinta ee Cuqaaasha ah oo ay weheliyeen xubno ka tirsanaa maamulkii Khaatumo ee u kala galay maamulada hareeraha waxay sheegeen in Buuhoodle uu ka dhisanyahay gole degaan oo loo dhanyahay kaasi oo ay hirgelisay Khaatumo sida ay ay hadalka u dhigeen, sidaasi darteedna ay sharci-darro tahay in nidaam iyo maamul dhisan mid kale laga dul-dhiso.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Sidoo kale waxay wefdiga Puntland ku eedeeyeen in ay kala qeybin iyo isku dir ka wadaan degaanka waxaana ay ka dalbadeen in ay isaga baxaan gudaha Buuhoodle haddii kalena xoog looga saari doono.

Wefdiga Puntland oo uu hoggaaminayo wasiirka Shaqada & Shaqaalaha, Dhalinyarada iyo Ciyaaraha jaamac Faarax Muuse ayaa Sabtidii todobaadkan waxay socdaal ku tageen degmada Buuhoodle oo si weyn loogu soo dhaweeyay isla markaana ay ilaa hada ku sugan yihiin iyagoo kulamo kala duwan la leh Bulshada deegaanka kalana arrin sanaya qorshaha ay Buuhoodle u tageen oo ah inay deegaanka u dhisaan Gole deegaan oo aan fadhiid ahayn.

Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top