WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Xasan Sheekh oo Dood kulul ka keenay Maqaamka Muqdisho iyo Cashuurta-Video

Muqdisho ( HM )-Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka dhawaajiyay arrin dad badan ay ku eedeeyeen inuu gabay xilligii uu talada hayay, gaar ahaan mataalada siyaasadeed ee Gobolka Banaadir.

Xasan Sheekh oo shalay ka hadlayay Munaasabaddii daah furka Xisbiga Himilo Qaran ayaa sheegay Gobolka Banaadir uu yahay midka maanta haya dowladda Federaalka oo ay ku jirto, isla markaana wax la taaban karo ku soo kordhiyay dowladda.

Waxaa uu qirtay in waxyaabihii ay qabyada uga tageen uu ka mid yahay Gobolka Banaadir, isla markaana ay umadda u sheegeen inay rabeen qabyada inay dhameystiraan sida uu yiri.

“Shalay talada markaan joognay waa ka tagnay, balse wuxu maalin ma wada dhismaan, shalay waxba qabanay, waxna waa qabyeynay, waa taan umadda u sheegnay inaan qabyada dhameystirno rabnaa, Gobolka Banaadir qabyada aan ka tagnay oo ugu horeeyay ayuu kow ka ahaa, waa u nool nahay, waa u taaganahay waa u hadleynaa in dadka Gobolka Banaadir in matalaad siyaasadeed xaq u leeyihiin”ayuu yiri Xasan Sheekh.

Dad badan ayay layaab la noqotay in Madaxweynihii hore Xasan Sheekh inuu ka hadlo arrinta Gobolka Banaadir, isagoo xilligan aan xil heyn, halkii shalay markii xilka hayay uusan sameyn waxa uu maanta u doodayo ee ah mataalada siyaasadeed ee Gobolka Banaadir.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

 

SOMALI NEWS

To Top