WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Xaglo-toosiye“Waxaan ahay Awr aan Dhufaanayn, Muuse Biixi wuxuu xil u dhiibtay Awr Dhufaanan,,-Video+Warbixin

Wasiirkii hore ee Maamulka Somaliland Saleebaan Ciise Axmed Xaglo-toose ayaa ka hadlay hadal gef ahaa oo dhawaan kasoo yeedhay Wasiirka Maaliyadda Maamulka Somaliland kaas oo ay shacabka ku dhaqan Gobalka Sool u arkeen in uu ku ahaa Gef iyo Meel ka dhac,Xaglo-toosiye ayaa hadalka wasiirka waxaa uu ku tilmaamay mid erab daro ah.

Waxaa kale oo ka hadlay han kiisa siyaasadeed iyo in uu haddii uu Hargeysa waxba ka waayo aysan Garoowe cid u diidaysaa jirin oo Tolkii joogo isaga oo dhaliilo culus dusha uga tuuray Muuse Biixi Maamulka uu gadh wadeenka ka yahay oo uu ku timaamay mid uu isku cuna duubay.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Waxaa kale oo uu si adag ugu jawaabay Xaglo-toosiye Siyaasiyiinta Beesha Dhulbahante ee kasoo jeeda Sool kuwaas oo dhawaahyan eedo culus hawadda isku marinayey waxaana uu wax laga xumaado ku tilmaamay hadalkii iyo eedihii uu Saleebaan Koore uso jeediyey Cali Sandulle,Baashe Cali Jaamac iyo xubno kale.

Xaglatoosiye hadda waxaa waraysi la yeeshay Tvga Bulsho wuxuu sheegay in uu Dubai joogo, meeshuu doonayona aadi karo, Garoowe tolkii joogaan. wuxuuna intaas ku daray Muuse Biixi haddaanu sidan iska badelin in uu aadi doono meeshuu doono waa sida uu hadalku u dhigayo. Wuxuuna Xaglatoosiye sheegay in uu ahaa Awr aan dhufaanayn, xilkana isagu dooran jiray laakiin hadda Muuse Biixi uu Awr Dhufaanan xilal u dhiibtay, sida Wasiirka biyaha Saleebaan Cali Koore

 

 

SOMALI NEWS

To Top