WARARKA SOOMAALI

Daawo Murugadda:-Wiil Arday ah oo Duufaantii Gobalka Awdal ku waayey Qoyskiisa oo 8 Qof ka kooban iyo sida wax u dhaceen-Video

Hargeysa (Horufadhi News)-Ibraahin Muuse Cabdi oo ka mid ah ardayda wax ka dhigata deegaanka Gargaara oo ka mid ah xeebaha gobolka Awdal ayaa ka waramay masiibo ka soo gaadhay roobabkii duufaanada ahaa ee ku dhuftay gobolada Awdal iyo Selel.
Ibraahin Muuse oo ka hadlaya masiibada uu kala kulmay roobabka ayaa waxa uu yidhi “Magacaygu waa Ibraahin Muuse Cabdi xaafadayada lamaan joogin oo Dugsiga ayaan dhiganayey, subaxdii ay duufaanadu yaraadeen ayaan xaafadii tagay,waxaanan arkay xaafadii oo uu daad qaaday, qoyskayagiina waxa ka hadhay aniga iyo sadex kale.”

Ibraahin Muuse Cabdi ayaa warbaahinta u sheegay in isaga oo ku maqan waxbarashadiisii ay reerkoodii qaadeen daadadkii xooga badnaa ee ka dhashay roobabkii ka da’ay xeebaha gobolka Awdal, waxaanu sheegay inay ka geeriyoodeen sideed qof oo ay ku jiraan hooyadii iyo aabihii.

Ibraahin Muuse ayaa intaas raaciyey “Qoys ahaan waxa iga geeriyooday sideed qof oo lix aanu walaalo ahayn iyo hooyada iyo aabahay.”

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Xeebaha gobolada galbeedka somaliland ayey si adag u saameeyeen daadadkii awooda badnaa ee ka  dhashay duufaanadii ku dhuftay, iyada oo dadkii ku noolaa deegaanada xeebuhuna ay la yihiin guryo ay ku hoydaan, dhar ay xidhaan iyo cunto ay quutaan.

Xukuumada somaliland oo diyaarado gargaar ah ka heshay dalka imaaraadka carabta ayaa haatan ku ku guda jirta inay gargaar gaadhsiiso dadka ay saameeyeen duufaanada ku dhuftay xeebaha dalku.

 

 

SOMALI NEWS

To Top