WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Xagee bay ku dambeeyeen Golihii iskaashiga Maamul gobaleedyadu-Video

Muqdisho (HM)-Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ka hadlay halka uu ku dambeeyay Golihii Iskaashiga maamul Goboleedyada ee sanadkii 2017 lagu aas aasay magaalada Kismaauo ee gobolka Jubbada Hoose.

Waare oo markii u dambeysay Gudoomiye Kuxigeen ka ahaa golahan ayaa sheegay in Goluhu uu saameeyay isbedeladii ka dhacay hoggaankii maamulada Puntland iyo Koofur Galbeed, isagoo xusay in golaha aan dib oo danbe loo arag.

“Golihii Iskaashiga maamul goboleedyada khilaaf badan iyo is jiid jiid badan ayaa la soo maray, doorashooyin maamulada qaarkood ay galeena wuu jiraa oo hada wali si fiican mamauladooda u saldhigan, marka C.I.C-da halkaas ayuu ku danbeeyay” ayuu yiri Waare.

Waxaa uu dhaliilay hannaanka loo maamulayay bilihii u dambeeyay golahaas, wuxuuna sheegay in howshii dhan lagu soo koobay in lagu mucaarado oo kaliya waxyaabaha ay qabato dowladda dhexe ee Soomaaliya.

“Golaha iskaashiga hadii uu u ekaado iskaashi ay maamul goboleedyada isu kaashadeen sidii Xisbi mucaarad ah ay Siyaasadda dowladda ka soo horjeestaan runtii wax khalad ah waaye, golaha Iskaashiga waxaa markii horena loo aasaasay uuna yahay in danaha ay mamaualadu leeyihiin ee kala dhexeeya dowladda dhexe si ujeeda wanaagsan loo leeyahay loo wajoho” ayuu yiri Waare oo VOA-da u waramay.

Waxa uu ugu danbeyn sheegay inaan wax micno ah oo weyn ku fadhin in dib loo soo celiyo golahaas, isagoo sheegay in muhiimada ay tahay in lala shaqeeyo dowladda Dhexe oo leh hoggaanka guud ee dalka.

Si kastaba, Madaxweyne Waare oo kamid ahaa dadkii ugu hadalka kululaa marka ay timaado dhaliisha dowladda intii uu bilowga ahaa Golahaasi, ayaa mar kaliya mowqifkiisa bedelay kadib markii uu la heshiiyay dowladda dhexe, iyadoo balan qaadyo loo sameeyay aan badankood wali la fulin.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Golaha Iskaashiga maamul goboleedyada oo lagu aasaasay 5 madaxweyne maamul goboleed, ayaa waxaa haatan ku soo haray Madaxweynayaasha maamulada Galmudug iyo Jubaland, iyadoo uu Waare isaga baxay wxii ka danbeeyay markii la hakiyay wada shaqeyntii dowladda dhexe.

Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa isaguna iska casilay hoggaankii Koofur Galbeed, kadib cadaadis uga yimid Villa Somaliya, halka C/weli Gaas looga adkaaday doorashadii Puntland ee 8 Janaayo ee sanadkan, waxaana meesha ka baxay raggii ugu Miisaanka cuslaa golahaas.

SOMALI NEWS

To Top