WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Ganacsatada Qaadka oo laba arrin u joojin waayey Qaadka Kenya kuna dhaawaqay war cusub-Video

Muqdisho (HM) – Maalin kadib markii Shalay qaadkii ugu badnaa laga keenay dalka Kenya ayaa ganacsatada Khaadka keena Muqdisho waxay ka hadleen goorta si rasmi ah loo joojin doono Khaadka Kenya.

Guddoomiyaha Ganacsatada qaadka keena magaalada Muqdisho Qooje Maxamuud ayaa sheegay in labo arin ay sabab u tahay inay si dhaqso ah u joojin waayeen khaadka kaga imaanayay dalka Kenya.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Ugu horeyn wuxuu sheegay inay doonayaan inay soo urursadaan dhamaan dhaqaalaha kaga maqan suuqa, maadaama Qaadka marka ay keenaan badankiis deyn looga sii qaadan jiray.

Arinta Labaad wuxuu ku sheegay inay Qaadka joojin doonaan haddii xiriirka Kenya iyo Somalia uusan wax iska badalin labada todobaad ee soo socota, islamarkaana xiligaasi ay ka shaqeyn doonaan sidii ay lacagahooda usoo ceshan lahaayeen.

Hadalkii uu ku dhawaaqay maalin ka hor ayuu sheegay in Afka uu kasoo boobay.

“Qaadka joojintiisa caadiga ah waxaa awood u leh dowladda Soomaaliya, laakiin hadalkii horey wuu iga fakaday oo kaliya, kalmadaa afka ayaa boobay, laakiin hadda waxaan qorsheyneynaa inaan soo urursano dhamaan lacagihii naga maqnaa, sababtoo ah lacago badan ayaa naga maqan”

“Hadda qaadka waan keeneynaa labada todobaad ee soo socota, lacago badan ayaa inooga maqan beeraha qaadka iyo ganacsatada gudaha Soomaaliya, markaan soo urursano haddii xiriirka wax iska badali waayo waan joojin doonaa, muddo 14 maalin ah kadib.”ayuu yiri Mr Qooje.

SOMALI NEWS

To Top