WARARKA SOOMAALI

Xaalad adag oo ka taagan deegaano ka tirsan maamulka Puntland & fariin ku socota bulshada-Video

Boosaaso (HM)-Wararka ka imaanaya deegaanada maamulka Puntland gaar ahaan gobolka fog ee Guardafui ayaa kusoo waramaya in deegaankaas ay ka jirto xaalada adag oo dhanka nolosha ah gaar ahaan isku socodka dadka kadib roobab lixaad leh oo ka da,ay gobolkan Buuraha leh, roobabka ayaa sababay in ay go,do Wadadii muhiimka ahayd ee isku xidhi jirtay deegaanka.

Guddoomiyaha degmada Gumbax ee gobolka Guardafui, Cismaan Maxamed Balli oo Saaka wareysi siiyay Warbaahinta deegaanka, ayaa sheegay in degaankaasi iyo guud ahaan gobolka Guardafui ay ka jirto xaalad go’doon ah, kadib markii roobab mahiiggaana gooyeen waddooyinkii halbawlaha u ahaa, isu-socodka gaadiidka ee gobolkaasi.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in mudda 15 beri ah, aysan jirin wax gaadiid ah oo degmada Gumbax iyo guud ahaan gobolka Guardafui uga yimid dhinaca magaalada xarunta ah Boosaaso , Kadib markii roobab xooggan oo halkaasi ka da’ay ay gebi ahaanba jareen waddooyinkii soo geli jiray gobolka iyo kuwii ka bixi jiray, dadka deegaanka ayaa baaq diray.

“ In 15 beri ah, waxa weeye gobolka Guardafui iyo degmadan Gumbax wax baabuur ah oo yimid oo Boosaaso uga yimid oo badeecad u keenay ma jiraan. Dhibaatada dhacdayna waxa weeye, waddooyinkii baa go’ay, awalna hadde dalku waddooyin ma lahayn, kuwa macmil dadku ka shaqeeyo oo hadba meel dhagax saaro oo dhagax ka qaado ayay ahayd” ayuu yidhi guddoomiyaha.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Sidoo kale, wuxuu sheegay in degmada Gumbax ay ka go’doonsantahay dhinaca Badda ee loo baxsan lahaa wakhtigaan oo kale, kadib markii maraakiib iyo doomo jariif ah ay kalluumaysatadii degaanka u diideen in ay foodda geliyaan gudaha Badda, islamarkaana hadda kalluumaysatadii ay gidaarada iska fadhiyaan.

 

SOMALI NEWS

To Top