WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Mucaaradka Soomaliland oo laga adkaaday & Biixi oo dhaariyey Guddigii muranka dhaliyey-Video

Hargeysa (HM)-Lixda xubnood ee Guddiga cusub ee doorashooyinka mamulka Somaliland ayaa Isniinta maanta ah lagu dhaariyey Madaxtooyadda xilli uu muran ka taagan yahay xubno kamid ah Guddigaas.

Aadan Cali Axmed, gudoomiyaha Maxkamadda Sarre, ayaa dhaariyey xubnaha iyadda oo uu goobjoog ka ahaa madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo magacaabay Guddiga horaantii bishaan November.

Munaasabadda dhaarinta ayaa kusoo aadeysa xili xisbiyadda siyaasaddeed ay madaxa isugula jiraan muddo bilooyin ah taaso sababtay in Xabsiga loo taxaabo xubnaha ugu sareeya Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Bishaan November 12-keeda, Golaha Wakiiladda maamulka Somaliland, ayaa meelmariyey lixda xubnood iyadda oo xisbiga mucaaradka ah ee Waddani uu la noqday xubintiisa isaga oo coksaday “sharci darro”.

War-saxaafadeed ay wadajir u soo saareen Waddani iyo UCID, xisbiyadda mucaaradka, ayaa waxay ku eedeeyeen madaxweyne Biixi in uu kusoo daray Guddiga xubno u jaran-jeera dhankiisa.

Madaxtooyadda oo si adag uga falcelisay eedeynta ayaa iska fogeysay waxayna qirtay in ay jireen xubno xisbigeeda kamida.

Golaha Guurtiga Somaliland ayaa 24-kii November muddo kordhin laba sano ah u sameeyay Golaha Wakiiladda oo shaqeynaya 17-sano maadaama iyaga oo aan la bedelin tan iyo 2005-tii.

Dhanka kale, xisbiyadda mucaaradka ayaa si adag u diidey muddo kordhinta. Bayaan ayay soo saareen waxay ku qeexeen waqti ku darsiga sharci darro hoos u dhigeysa dimoqraadiyeynta Somaliland ee maamulkaasi iskii ugu tookho.

Somaliland, inkasta oo ay qabaneysay doorashooyinka Madaxtooyadda, muddo lix jeer ah waxaa baaqatay coddeynta baarlamaanka iyo goleyaasha degaanka, taasi oo kordhisay khilaafka siyaasadeed ee gudaha.

Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top