WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Xaafka Galmudug oo maamulka Soomaliland kusoo qaaday shirka Muqdisho-Video

Muqdisho (HM ) Madaxweynaha Maamul Goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa Khudbad ka jeediyay Shirka Iskaashiga Soomaaliya ayaa waxaa uu ku sheegay in Shirka ay ka maqan yihiin saaxibo si aad ah ugu dhow oo ula jeedo Madaxweyneyaasha Jubbaland iyo Puntland.

HALKAN KA DAAWO

Axmed Ducaale Geelle ayaa sheegay in loo baahan yahay in qeybaha ka maqan lana doono maamul goboleedyada maqan o ay ka mid tahay Somaliland lagu soo daro shirarka soo socda.

Waxa uu ugu baaqay beesha caalamka inay si dhow ula socdaan xaaladaha dalka isla markaana ka caawiyaan dhinacyada Siyaasada, Amniga, Nabada, arrimaha bulshada iyo horumarinta guud.

Ka soo qeybgalka Madaxweynaha Galmudug shirka iskaashiga ayaa waxaa soo dhoweeyay ra’iisul wasaare Kheyre oo sheegay in howlaha dhamaystirka Galmudug uu hogaamin doono Madaxweyne Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

SOMALI NEWS

To Top