WARARKA SOOMAALI

Daawo:-James Swan oo Dowladda Farmaajo ku cadaadinaya la hadalka maamulka Jubaland-Video

Muqdisho (HM)-Wakiilka xoghayaha guud ee Qarramada Midoobey James Swan oo khudbad ka jeedinayay maanta shirka Iskaashiga Soomaaliya ayaa soo hadal qaaday khilaafka dowladda iyo qaar ka mid ah dowlad gobolleedyada dalka.

James Swan ayaa ka sheegay in ay muhiim tahay in xal  loo helo Siyaasadda loo dhanyahay,isla markaana loo diyaar garoobo  wadahadalo ay yeeshaan Dowladda iyo dhinacyada kale.

HALKAN KA DAAWO

“Waxaa loo baahan yahay in la dhameeyo khilaafka ka dhexeeya dowlada federalka iyo maamulka Jubbaland,lagana gudbo su’aalaha ka dhashay awood qeybsiga.”ayuu yiri Danjire Swan.

Hadalka Mr James Swan ayaa imanaya xili shirka maalintii labaad galay ee ka soconaya Muqdisho ay ka maqan yihiin dowlad gobolleedyada Puntland iyo Jubbaland oo sheegay in si rasmi ah u sheegay in ay qaadaceen ka qeybgalka shirka, balse waxaa madasha ku sugan madaxweynayaasha dowlad gobolleedyada Hirshabeelle, Galmudug iyo Koonfur Galbeed.

SOMALI NEWS

To Top