WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Wax badan ka ogow Ra’iisal Wasaaraha cusub ee Dalka Itoobiya iyo Xaaladda Waddankaas oo-Video

Ra’iisal wasaarihii dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn ayaa is casilay Khamiistii 15-
ka Febraayo 2018, waxayna Itoobiya gashay xaalad degdeg ah iyo marxalad siyaasadeed
oo aan la saadaalin karin.

Is-casilaada Desalegn ayuu sabab uga dhigay isbedel siyaasadeed oo dalka Itoobiya ka
dhaca, laakiin waxaa shaki badan dhaliyey markii lasoo celiyey xaaladii degdega ahayd
oo muujineysa inuu khilaaf ka dhex jiro isbaheysiga talada haya ee ay hoggaanka u
heyso TPLF.

Arrintan waxay timid iyadoo labadii sano ee ugu danbeysay ay dalkaasi ka socdeen
dibadbaxyo dowladda looga soo horjeeday oo dad badan lagu dilay, laguna xirxiray
kumanaan kale, waxaana qowmiyadaha kacdoonka wada ee Oromada iyo Amxaaradda
ay dadka dalkaasi ka yihiin 60%.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

SOMALI NEWS

To Top