WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Wasiiro Puntland iyo Waxgarad si kulul uga hadlay Kiiska Col. Tuke ee Maraykanka, Kuna eedeeyay Somaliland-Video

Garoowe  ( HM ) Waxgarad,  Wasiiro iyo Masuuliyiin ka tirsan Puntland, kana soo jeeda Gobolada SSC oo Warbaahinta kula hadlay magaalada Garoowe, ayaa si kulul uga hadlay Dacwadda lagu soo Oogay Kornayl Tuke oo kamid ahaa Saraakiishiii Ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed, Taasi oo ka socota dalka Maraykanka.

Waxay Somaliland ugu baaqeen inay ka Laabato arintaasi, waxayna sheegeen in in Col. Tuke aysan Jirin wax dhibaato ah oo uu gaystay, Sidoo kale waxay Jabhadii SNM ku eedeeyeen inay Gaysatay Gabood Fallo iyo Xasuuq Tiro badan, hadana aysan jirin cid dacwad ku furtay, iyadoo Soomaali dhibaato kala gaadhay.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Howlaha Guud Gaadiidka iyo Guryaynta Puntland  Maxamed Xuseen Xaashi   ayaa sheegay inuu yahay Nin Aqoon leh Col. Tuke oo markii hore wax kusoo bartay Maraykanka,    Waxayna sheegeen inay tahay been abuur lagu raadinayo Aqoonsi, Balse aan sidaas lagu heli doonin.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Wasiirka deegaanka iyo Beeraha Prof. Ismaaciil Diiriye Gamaadiid  ayaa sheegay inuu Aqoon dheer u leeyahay  Col. Cabdi Cali Yuusuf [Tuke]  , Wuxuuna xusay in maanta madaxda Somaliland ay ahaayeen Kuwii Xasuuqa ka gaystay gobolada Waqooyi, Wuxuuna si gaar ah ugu eedeeyay Dagaaladii Boorame, Kalshaale  Maxamed Kaahin iyo Muuse Biixi.

Wasiirka Warfaafinta iyo Dalxiiska  Col. Cali Sabaray ayaa dhankiisa sheegay inuu Col. Tuke  isagu dhibane yahay,  Wuxuuna xusay  in  Dacwaddu ay tahay been  la abaabulay, Wuxuuna sheegay inay Waxyaabo cadayntoodii wata oo rasmiya ay ku ogyihiin madaxda Somaliland taasi oo ay ka gaysteen Gobolada SSC.

SOMALI NEWS

To Top