WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya oo gaadhay Dalka Jabuuti iyo kulan dhexmaray Ismaaciil Cumar Geelle-Video

Muqdisho (Horufadhi News)-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Amb. Ahmed Isse Awad iyo wafdi uu hoggaaminayo oo muddo laba cisho ah booqasho ku joogay dalka Jabuuti ayaa la kulmay Madaxda Dalkaasi.

Mudane Amb. Ahmed Isse Awad  waxa uu la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti Mudane Maxamuud Cali Yuusuf, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ballaaran ee laba dal iyo labada shacab ee walaalaha ah.

Labada Wasiir ayaa kala saxiixay heshiisyo seddex ah oo uu ku jiro mid ku qotoma iskaashiga ammaanka.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Dhanka kale Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Amb. Ahmed Isse Awad oo ay ku wehliyeen socdaalkiisa Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka iyo Siihayaha xilka Agaasimaha Waaxda Afrika ee Wasaaradda Mudane Khaliif Cali Xaashi Cilmi ayaa shalay waxa ay booqasho sharafeed ugu tageen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane, Ismaaciil Cumar Geelle, iyagoo sidoo kale booqdey xarunta Golaha Baarlamaanka iyo Machadka Diblomaasiyadda dalkaasi.

SOMALI NEWS

To Top