WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Puntland oo sheegtay in Somaliland aysan ka faa,iidi doonin Cabudhinta shacabka Laascaanood iyo abaabulka Dagaal ee Garoowe-Video

Garoowe (Horufadhi News)-Shirka Golaha Wasiirada Puntland oo uu shir gudoominayey Madaxweyne Maamulka Puntland Cabdiweli Maxamad cali Gaas ayaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ka mid tahay xaaladda deegaanka Tukaraq ee Gobalka Sool.

Sidoo kale shirka Golaha Wasiirada Puntland ayaa looga hadlay hannaanka Cadaaladda Dawladda Federaalka ah ee  Soomaaliya, iyadoo shirka laga soo saaray war-murtiyeed u qorna asidan:

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Shirkii Golaha wasiirada Puntland oo shir-guddoominayey Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa waxaa looga hadlay Duulaanka uu Maamulka Somaliland kusoo qaaday deegaamada Puntland iyo Hannaanka Cadaaladda Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Duulaanka uu Maamulka Somaliland kusoo qaaday Deegaamada Puntland:

Golaha xukuumadda Puntland ayaa ku dheeraaday duulaanka lagu soo qaaday Puntland iyo caburinta iyo xariga joogtada ah ee lagu hayo shacabka degmada Laasnaacood, sidoo kale waxay goluhu u sheegeen guud ahaan shacabweynaha Puntland in duulaan lagu hayo dalkooda iyo jiritaan-kooda loona baahan yahay inay garab istaagaan Dawladdooda iyo ciidamadooda u taagan difaaca dhulkooda,Waa sida uu u dhignaa warka kasoo baxay Shirka Golaha wasiiradda Maamulka Puntland ee uu gudoominayey Gaas.

Sidoo golaha Wasiiradda Maamulka Puntland  waxay caddeeyeen in duulaanka lagu soo qaaday Puntland inaan laga faa’iidi-doonin, isla’ markaana Puntland ay soo celin-doonto dhammaan deegaamada ka maqan, wuxuuna goluhu ku celiyay dhibaatada loo geystey shacabka Laascaanood in uu mas’uuliyadeeda qaadi-doono Maamulka Somaliland.ayaalagu yidhi warka ka soo baxay Shirka Golaha Wasiiradda Puntland.

Hannaanka Cadaaladda Dawladda Federaalka Soomaaliya:

Golaha xukuumadda Puntland ayaa sheegay in loo baahan yahay hannaan garsoor oo Federaal ah oo abuuraya heerar maxkamado kala qeexaya awoodaha federaalka iyo mida Maamulada dalka ka jira, isla’ markaana ka madax-bannaan hay’addaha fulinta dalka, waxayna wasaaradda cadaaladdu u qeybisay golaha xukuumadda qabyo qoraal ay goluhu ka doodi—doonaan todobaadka ka dambe.

—DHAMMAAD–

SOMALI NEWS

To Top