WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Cabdixakiim Camey iyo Waftigiisa oo maanta gaadhay Buuhoodle kana hadlay Dagaalka Gobalka Sool-Video

Buuhoodle (Horufadhi News)-Madaxwayne ku xigeenka maamulka Puntland C.xakiin Camey iyo Wafdi uu Balaadhan oo uu Hogaaminayo ayaa maanta lagu soo dhoweeyay magaalada Buuhoodle ee Xarunta Gobolka Cayn.

Soo dhowaynta wafdiga ayaa waxaa ka qayb galay Waxgarad, Isimo, Saraakiisha Ciidamada iyo Qaybaha kala duwan ee Bulshada, Waxaana Khudbad uu ka jeediyey Halkaasi uu kaga hadlay dhibaatada lagu hayo shacabka magaalada Laascaanod iyo Dagaalka Maamulka Puntland kula jiro Somaliland ee ka soconaya Gobalka Sool.

Wuxuu sheegay inaysaan Puntland Joojin doonin dagaalka inta ay Somaliland ku sugan tahay Qaybo kamid ah Gobolka Sool, waxaana la sheegay inuu Safarkiisu Salka ku hayo Sidii Puntland oo Xiisad kala dhaxayso Somaliland ay ciidamo uga heli lahayd deegaanka Gobalka Cayn.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Maamulka Gobalka Cayn oo madasha ka hadlay ayaa xasuusiyey Cabdixakiim Camey in uu bishan May xiligan oo kale deegaanku ku sugnaa xaalad adag.

Dadka Deegaanka ayaa dhaliilsan Safarka Madaxweyne ku xigeenka Puntland iyaga oo sheegaya in Camey uu marar badan oo loo baahnaa Deegaanadda SSC uu indhaha kala laabtay Balse maanta oo Dadka deegaanku Barwaaqo ku sugan yahay uu doonayo in uu Colaad galiyo Ciidamana ka qaato.

Inta Camey uu ku sugan yahay Gobalka Cayn waxaa la filayaa in uu la kulmo inta badan qaybaha kala duwan ee Bulshadda,Isimadda dhaqanka,Ganacsatada iyo Saraakiisha Ciidanka ee Buuhoodle uuna ka dhaadhiciyo in Dagaal lagu qaado Somaliland.

 

SOMALI NEWS

To Top