WARARKA SOOMAALI

Xaalaadda Tukaraq iyo Deegaanadii lagu dagaalamay oo maanta kacsan, Hubka culus oo laga maqlayo-Akhriso

Garoowe (Horufadhi News)-Saacadihii ugu dambeeyey waxaa la dareemayay dhaqdhaqaaqyo cusub oo kuwajahan deegaanka Tukaraq oo ay isku horfadhiyaan ciidamada labada dhinac ee Puntland & Somaliland, waxaana cabsi laga qabaa dagaal rasmi ah oo markale dib uga qarxa deegaankaas, sidda ay shegayaan Goobjoogayaal kusugan agagaarka ay dhinacyadu isku horfadhiyaan.

Ciidamada ayaan tan iyo shalay galab is dhaafsaneyey hubka culus oo ay ku garaacayaan goobaha ay tuhunsan yihiin in uu qolo kasta u yaalo hubka culus, waxaana la maqlay qarax weyn oo ka dhacay meel u dhaxeysa Gambara & Tukaraq, oo la rumeysan yahay in ay ahayd halka keydka Hubka ciidanka Somaliland oo madfac ku dhacay.

Kasokow rasaasta haddana dhinacyada ayaa sameeyey dhaqdhaqaaqyo ciidan, waxaana galbeedka Tukaraq iyo Barrigeeda Dhoodiga ahba laga dareemayaa ciidamada oo dhaqdhaqaaq ka wada.

Fariisimo cusub ayay kala dageen dhinacyadu, waxaana ay u muuqataa Saan-Saan dagaal oo dhameystiran, xili dagaalkii dhacay 24-kii bishan uu ahaa kii ugu cuslaa ee abid ka dhaca deegaanadaas, waxaana ka dhashay khasaarihii ugu cuslaa ee dhinacyadan dhexmara.

Lama garan karro sidda ay xaaladdu noqon karto, balse dadkii deegaanada Miyiga ah iyo tuulooyinka ku dhaw dhaw aagaga dagaalka ayaa ka cararay dirirta colaadeed, waxayna beegsadeen deegaano cusub oo ay naftooda ku badbaadin karaan.

SOMALI NEWS

To Top