WARARKA SOOMAALI

Daawo:-wasiir ka tirsan Somaliland oo ka been abuurtay Taariikhdii Sayidka iyo Buug uu ka qoray oo muran xoogan dhaliyey-Video

isbuucyadii lasoo dhaafay waxaa ka taagnaa guud ahaan deegaanada Somaliland gaar ahaan magaalada Hargeysa khilaaf xoogan oo u dhaxeeya Haweenka Beesha Ciida-Galle iyo wasiirka warfaafinta Maamulka Somaliland Guri-Barwaaqo,khilaafka iyo is qab qabsiga ayaa ka dhashay kadib markii lasoo Bandhigay Buug oo qoray Guri-barwaaqo kaas oo uu ugu magac daray Sooyaalkii Sayid Maxamed Cabdille Xasan isla markaana uu ku qoray Boggaga Buugaas taariikh radaad badan oo gef weyn ku ha sooyaalka,Halgankii iyo waliba Taariikhda Alle ha unaxariistee Sayid Maxamed Cabdille Xasan oo aha Halgamaa u gaylamay guud ahaan umadda Soomaaliyeed sidii looga qaadi lahaa reeryadii Gumeystaha kaas oo dhibaato badan iyo adoonsi gobannimo diidnimo iyo xuriyad la,aan ah ku hayey umadda Soomaaliyeed.

Guri-Barwaaqo oo ah hadda wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Muuse Biixi oo ah ninka faafiyey ee daabacay isla markaana qoray Taariikhda iyo Sooyaalka beenta ah ayaa waxaa Buuggiisa ka daba tagay isla markaana si adag usoo faaqay dhalinyaro iyo odayaal sooyaalka haya oo reer Hargeysa ah kuwaas oo uu ugu horeeyo Abwaanka lagu magacaabo Maxamed Baddel,kaas oo geedkii uu galaba ka soo saaray Buugaas isla markaana mid mid usoo bandhigay ceebaha iyo gefka weyn ee Been abuurka ah ee ku qoran Buugga.

Arrintaas markii ay dhacday isla markaana ay wada gashay warbaahinta waxaa Dad badan ay soo qaateen Buugga kuwaas oo Soomaali oo dhan leh in kasta oo uu si aad ah ugu fiday deegaanada Somaliland,waxaana dhamaan Dadkii Buugaas akhriye ay kaga falceliyeen jawaabihii ku haboonaa oo ah in Ninkan uu ku kacay Gef weyn iyo meel ka dhac taariikheed,waliba ka been sheegid umadeed iyo aflagaadooyin hableed.

Buuggii wuu sii faafay waxaana uun dhexda usoo galay ugu dambeyn Haween weynaha ama Hablaha Beesha Ciidda-galle oo uu Buugga Guri-barwaaqo si xun ugu caayey haweenkaas isla markaana uu kaga been abuurtay qaybo badan oo kamid ah Buugaas Taariikhda iyo Soyaalka Haween weynaha Beeshaas oo uu ku tilmaamay kuwo aan gayaan iyo gogal toona lahayn oo uu guri kasta taal xumaanta iyo radad aan fiicneyn oo ay reebeen taas oo ay aad uga cadhoodeen Haweenka Beelaha Gar-xejis oo dhan iyaga oo wacad ku maray in ay sharciga la tiigsan doonaan Gur-Barwaaqo,halka ay Muuse Biixina ugu baaqeen in uu ka xayuubiyo xilka madaama bay dhaheen uusan ahayn Nin mudan in uu Bulshada matalo ah.

Arrinta iyadda oo halkaas mareysa ayuu Guri-barwaaqo Warbaahinta la hadlay waxaana uu sheegay in aysan waxaas la sheegayaa waxaba ka jirin balse waxaa ay taas sii abuurtay kadar ooo dibi-dhal arintana waa ay sii khadhaadhaatay Qoraagii Buugga horay bulshada xumaanta ka buuxda ugu iftiimiyeyna waxaa uu dib usoo faadhay kumanaan xumaato oo kale oo dul hogganaya Buugga,waxaana madal keenay ragii gabayga la leexiyey ee Hablaha lagu caayey ku baxay iyo qaabkuu ahaa arrintana waxaa ay noqotay mid aad ugu xumaatay Guri-Barwaaqo,waxaana ay noqotay fadeexad iyo ceeb weyn oo dul hoganaysa Guri Barwaaqo,sidaas oo ay tahayna waxaa ay u muuqataa inaan wali la is gaadhin madaama aysan wali jawaab ka bixin Buuggaas Sayidka Dadkii aqoonta u lahaa iyo Dadkii Soyaalkiisa yaqaanay ee uu ku abtirsan jiray.

intaas kadib khilaafka oo xoogeystay ayaa waxaa uu sababay in ay maanta u yeedhaan Golaha wakiiladda Somaliland oo Su,aallo waydiiyaan Qoraagga Buugga gefka badan ka muuqdo Qoray Guri-Barwaaqo iyo Ninkii kashifay ee Banaanka soo dhigay Taariikhda Been abuurka ah ee Buugga ku qoran Macalin Maxamed Baddel,waxaana ay Golaha Baarlamanka sheegeen in aysan arrintan Maxakamad ka fursan doonin iyo in uu soo faragaliyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

HALKAN KA DAAWO Video

SOMALI NEWS

To Top