WARARKA SOOMAALI

Daawo Waraysi:Al-shabaab oo Dagaal culus Saaka kula wareegay Degamada Baled-Xaawo iyo Khasaare Ba,an oo laga soo sheegayo-Video

Wararka ka imaanaya degmada Beledxaawo ayaa sheegaya in dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay saaka la wareegeen, kaddib markii ay weerar ku qaadeen.

Sida ay sheegayaan wararka dagaalo culus oo saaka waabarigii hore ka bilowday duleedka degmada ayay Al-Shabaab ugu suura gashay inay gudaha u galaan.

Dagaalka oo ahaa mid xooggan ayaa ku bilowday qarax xooggan oo lala eegtay saldhig ciidamada daraawiishta Jubbaland iyo kuwa Milateriga oo ku yaalla bariga degmada.

Wararka ayaa sheegaya inuu jiro khasaare kala duwan oo ka dhashay dagaalka, inkastoo aan si rasmi ah loo ogeyn.

Degmada Beledxaawo ayaa ku taala xadka Kenya, waa degmo istiraatiiji ah, wararka ayaa sheegaya in dadkii deegaanka ay u qaxeen dhanka xuduuda Kenya.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Weerarkan ayaa noqonaya kii u horeeyay ee Al-Shabaab ku qaadaan degmada Beledxaawo oo ka mid aheyd deegaanadii laga saaray sanadkii 2011.

Waa weerarkii labaad oo Al-Shabaab ku qaadeen bishan gudaheed ciidamada jubbaland iyo kuwa dowladda, iyadoo 3-dii bishan ay weerar xooggan ku qaadeen saldhig ay ku lahaayene deegaanka Buulo Gaduud.

SOMALI NEWS

To Top