WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Wararkii ugu dambeeyay duqeyn culus oo ka dhacday Puntland-Video

Garoowe  ( HM) Wararka ka imaanaya Gobolka Bari ee Puntland maamusho ayaa sheegaya in diyaarado dagaal oo aan la ogeyn dalka laga leeyahay ay duqeeyeen deegaano hoos-yimaada degmada Isku-Shuban.

Sida wararku sheegayaan deegaanada la duqeeyay ayaa waxaa ku sugan dagaalamayaasha Daacish iyo Al-Shabaab.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Dadka deegaanka ee tuulada Timirshe ee degmada Isku-shuban ayaa sheegay inay salaadii Jimcaha kadib ay maqlayeen ugu yaraan 5 qarax oo xoog weyn oo ka dhacayey deegaanka Ceelka Shidi Cameyra ee u dhow tuuladaas.

Saraakiil ka tirsan Maamulka Puntland ayaa xaqiijiyay duqeynta lala beegsaday dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab.

Todobaadyo ka hor ayay aheyd markii diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Mareykanka ay duqeyn ku dileen Kuxigeenka Hoggaamiyaha Daacish C/xakiin Dhuqub, kaddib markii lagu duqeeyay gaari uu la socday.

SOMALI NEWS

To Top