WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Cabdiraxmaan Yariisow oo ka qayliyey Siyaasiyiinta Mucaraadka ah iyo Amnigii oo faraha ka baxay-Video

Muqdisho (HM) –Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magalada Muqdisho, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa sheegay in sugida Amniga Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho dhibaato ku yihiin siyaasiyiin danleey ah.

Waxa uu sheegay in Siyaasiyiintaas ay yihiin kuwo xaasid ah oo doonaya inay maamulka ridaan, isla markaana amniga ay dhibaato ku yihiin, iyaga oo og wixii la soo maray, kuwaas oo amniga siyaasadeynaya.

“Waxaa jira dhaqan oo laga yaabo in dhalinyarada hadda jira kusoo koreen oo mar walba loo dhaxeeya, sida Hoggaamiye Kooxeed ama burcad, laakin hadda lama joogo waqti la dhaho iska gaabso yeysan Al-Shabaab ku arkine, laakin anaga hadaan shacabka fahmin amni lama sugi karo ayuu yiri Duqa Muqdisho.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahana Duqa Magalada Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa weerar dhinaca Afka ah ku qaaday xildhibaano iyo Siyaasiyiin mucaarad ku ah dowladda, kuwaas oo uu sheegay inay caqabad ku yihiin dowladnimada Soomaaliya.

SOMALI NEWS

To Top