WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Waa sidee Saaka xaaladda Deegaanka Gunburka-Cagaare iyo Dagaalkii shalay-Video

Waxaa sii kordhay khasaaraha ka dhashay dagaal Beeleed Shalay Gelinkii dambe ku dhexmaray Deegaanka Gunburka Cagaare Maleeshiyo Beeleedyo kasoo kala jeeda Gobolada Mudug iyo Sool.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in Khasaaraha Dhimashada Labada dhinac uu gaadhayo in ka badan 10-Ruux, Sidoo kalana waaa Jira Dhaawacyo badan, Iyado qaar kamid ah Xaaladooda laga dayrinayo.

Colaada u dhaxaysa Beelaha deegaankaasi ayaa ahayd mid Wakhti dheer soo Jiitantay, waxaana maalmihii u dambeeyay deegaanka laga dareemay Xaalado Colaadeed, iyadoona maanta uu dagaalku bilowday.

Ma jirto ilaa iyo hada erogooyin iyo maamulo kala duwan oo dhex galay, Waxaana Labada dhinac ay sameeyeen Gurmado kala duwan, Iyadoona laga cabsi qabo inay mar kale Xaaladu Faraha ka baxdo.

Waxgaradka iyo Culimada ayaa dhankooda ku baaqaya in Xaalada lagu soo celiyo Xasilooni, Iyadoona lawada Ogsoonyahay in dib laga Heshiin doono marka ay Godka galaan dad badan oo maanta Nool.

SOMALI NEWS

To Top