WARARKA SOOMAALI

Daawo Video Madaxweynaha Khaatumo Cali Khaliif Oo Kahadlay Arimo Badan Isagoona Baaq Udiray Beesha Caalamka

Widhwidh Madaxweynaha maamulka khaatumo prof cali khaliif galaydh oo maanta shir jaraa id ku qabtay hoyga uu kadagnyahay magaalada widhwidh ayaa kahadlay arimo badan oo ay kamid tahay xaalada abaarta adag ee kajirta gobolada khaatumo isagoona madaxweyne galaydh uu kadayriyey xaalada daka iyo duunyadaba

madaxweyne cali khaliif galaydh ayaa baaq ujeediyey beesha caalamka hayadaha qurbajoogta ganacsatada soomaliyeed iyo cidkasta oo mux siniina oo uu ugu baaqay in ay dadkan usoo gurmadaan

HALKAN KADAAWO MUUQAALKA

Aqoonyahan cali khaliif galaydh ayaa dhinaca kale baaq udirey beelaha walaalaha ah ee baharsame iyo qayaad oo uu ugu baaqay in ay colaada joojiyaan ayna qaataan nabada isagoona sheegay in somaliland iyo khaatumo ay iska kaashanayaan sidii colaadaasi loosoo afmeeri lahaaa

madaxweynaha ayaa hanbalyo udiray Culimada Gobolka sool ee howshan ukacay ee kashaqaynaya taasi oo uu hormuud u yahay shiikh cabdinaasir xaaji axmed iyo culimadiisa kale isagoona madaxweynuhu sheegay in ay kamaamul ahaan ku kalsoonyihiin iyo lashaqaynayaan culimada hiil iyo hoona ay lagarab taagan yihiin

madaxweynaha khaatumo cali khaliif galaydh ugu danbayn waxa uu baaq udiray Qurba Joogta kasoojeeda Labada beelood Waa baharsame iyo qayaad oo uu sheegay in ay kaqayb qaataan sidii loo joojin lahaa coladaasi loona soo af jari lahaa madaama dadkani ay yihiin walaalo aan meel kala tagayn

madaxweynaha ayaa qurbajoogta soomaliyeed ka codsaday in ay yaguna kala shaqeeyaan sidii loosoo af jari lahaa colaadan soonoq noqatay ee tirsatay Sanada badan

Goob Jooge Sakariye Maxamed Ciise Wadani

SOMALI NEWS

To Top