WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Taliye yaasha kala duwan ee Ciidamadda oo hadda soo gaadhay xarunta Baarlamaanka iyo jawiga xarunta oo-Video

Wararka aan ka heleyno xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Gudoomiyaha Baarlamaanka ee Mooshinku ka yaalo iyo kuxigeenkiisa labaad ciidamo ilaalo u ah la galeen xarunta golaha shacabka.

Xildhibaanada iyo Gudoonka ayaa horey looga mamnuucay in ciidamo lasoo galaan gudaha xarunta, hasa ahaatee waxaa amarkaas ka biyo diiday Jawaari iyo kuxigeenkiisa labaad oo ciidamo ilaalo u ah gudaha ula galay xarunta Baarlamaanka.

Waxaa hada gudaha xarunta Baarlamaanka ka taagan xiisad ka dhalatay ciidamada hubeesan ee wataan Jawaari iyo Cawad, waxaana arintan ka biyo diidsan xildhibaano badan oo sharci daro ku tilmaamau in  hal dhinac ciidamo lasoo galaan xarunta.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Xarunta Baarlamaanka waxaa ka socda kulamo ay leeyihiin saraakiisha laamaha amaanka iyo Gudoonka Baarlamaanka, waxaana looga hadlayaa sidii ciidanka ay wataan Jawaari iyo Cawad xarunta looga saari lahaa.

Sida aan Wararka ku helnay Gudoomiye kuxigeenka koowaad ee Baarlamaanka sidoo kale ah sii hayaha xilka Gudoomiyaha Cabdiweli Muudey ayaa isna ku sugan xarunta Baarlamaanka, waxaana la sheegay in xarunta uu galay isaga oon ilaalo hubeesan la socon.

Kulankla Baarklamaanka ayaan wali furmin, waxaana wali Xildhibaanada safaf dhaadheer ugu jiraan sidii ay u gali lahaayeen xarunta golaha shacabka oo saacadaha soo aadan ka furmayo kulamo iska soo horjeeda.

Kursiga Gudoonka Baarlamaanka ayaan wali la sheegin cid ku fadhiisatay, waxaana kursiga ilaalo ka ah ciidamo gaar ah oo katirsan booliiska Soomaaliya, waxaana la ogeyn cida loo ogolana doono Jawaari iyo Muudey in kursiga shir gudoonka ku fariisto.

SOMALI NEWS

To Top