WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Suuqa Ganacsiga Bakaaraha oo maalintii labaad xidhan iyo xaalad adag oo ka taagan halkaas-Video

Ganacsiga Suuqa Bakaaraha ayaa maalintii labaad u xiran shaqo joojin ay sameeyeen Ganacsatada Gobolka Banaadir, kaddib khilaaf soo kala dhex galay Ganacsatada iyo Wasaaradda Maaliyadda oo ka dhashay canshuur xad-dhaaf ah oo lagu soo rogay.

Qeybihii Ganacsiga uu ka koobnaa Suuqa ayaa gebi ahaanba xiran, sida qeybaha lagu iibiyo jumlada iyo tafaariiq, qeybaha lagu iibiyo dharka, maacuunta, qalabka baabuurta, dahabka iyo qeybo kale.

Xirnaanshaha Suuqa ayaa saameynta ugu badan ku yeelatay boqolaal ruux oo ka xoogsata Suuqa Bakaaraha, kuwaasoo nolol maalmeedkooda ka dabarin jiray Suuqa.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Wariyeyaasha ayaa soo sheegaya in maalintii labaad Suuqa uu albaabada u xiran yahay dhamaan ganacsiga, iyadoo waddooyinka Suuqaas oo looga bartay mashquul ay yihiin kuwo cidlo ah oo si teel teel ay dadka u marayaan.

Ganacsatada Gobolka Banaadir ayaa sheegay inay dhib ku qabaan canshuurta lagu soo rogay ee loo yaqaano Canshuurta Iibka, waxaana ay ku andacoonayaan in alaab aan la iibin oo aanay suuq geyn, isla markaana faa’ido iyo khasaare midna ogeyn waxa ka soo baxayo aysan macquul aheyn inay canshuurtooda bixiyaan.

 

SOMALI NEWS

To Top