WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Somaliland oo ugaadhsanaysa Suxufiyiinta Laascaanood ee runta sheega-Video

 Laascaanood (Horufadhi News)-Ciidamada Booliiska maamulka  Somaliland ee ka howlgala Magaaladda Lascanood ayaa xabsiga dhigay Wariye Cabdiraxmaan Keyse Tungub oo ah wakiil wareedka Tvga Bulsho, Waxaana  Xadhiga wariyaha ayaa loo sababeeyey inuu baahiyey warbixin ku saabsan mudaharaad looga soo horjeedo joogitaanka lascanood ee Maamulka Somaliland.

Wuxuuna bulshada  waydiinayey aragtidooda ku adan gacan ku haynta maamulka ee Gobolka Sool,taasoo ay dadweynaha aragtidoodu u badnayd in ay Somaliland ka baxdo gobolka,isla markaana ay soo dhaweynayaan Puntland, Halka qaar kalana ay taageersanayeen Somaliland.

HALKAN KA DAAWO WARBIXINTA LAGU XIRAY

Dhanka kalana waxaa la xaqiijiyey in ay jiraan saxafiyiin kale oo ciidanka booliisku ka raadinayaan goobaha shaqada Iyo Guryaha ay deganyihiin si loo xiro ,kuwasoo loo anaynayo in ay diyaariyeen wararka la xiriira aragtida dadweynaha ee la xiriirta gacan ku haynta Gobolka Sool ee Maamulka Somaliland.

Wariyayasha ka howlgala Magaalada lascanood ayaa walaac xogan ka muujiyey xariga wariyayasha ,waxaana ay ku micneyeen arintanin ay qayb ka tahay caburinta & caga jugleynta uu maamulka Somaliland ku hayo saxafiyiinta.

SOMALI NEWS

To Top