WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Somaliland oo u hanjabtay Madaxda Mucaaradka oo abaabul wada

Maamulka Somaliland ayaa ka hadlay banaanbaxyo ballaaran oo looga soo horjeedo Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo Madaxda xisbiyada mucaaradka ay qorsheysanayaan inay ku qabtaan Magaalada Hargeysa iyo meelo kale.

Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa waxaa uu sheegay in Maamulka uusan marnaba aqbaleynin in la qabto banaanbaxyo sharci darro ah oo looga horjeedo Xukuumadda, ayna ka hortegi doonaan tallaabadaas.

Wuxuu tilmaamay Wasiir Maxamed Kaahin inay tallaabo sharci ah ka qaadi doonaan cid kasta oo isku dayda inay amniga wax u dhimto, isla markaana sheegay in loo baahan yahay in laga wadashaqeyo nabadgalyada.

Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland ayaa sidoo kale ugu baaqay shacabka inay kala shaqeeyaan ciidamada nabad-gelyada, islamarkaana ay ka fogaadaan cid kasta oo wada dhibaato lagu waxyeelaynayo amniga iyo jiritaanka Somaliland.

Ma aha markii u horeysay ee xukuumaddu hanjabaad u dirto mucaaridka, waxaana xusid mudan in mudahaaradyo hore u abaabuleen lagu waxyeeleeyay masuuliyiin ka tirsan mucaaridka, kadib markii ciidamadu u adeegsadeen rasaas nool.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

DAAWO:-Somaliland oo u hanjabtay Madaxda Mucaaradka oo abaabul wada
To Top