WARARKA SOOMAALI

DAAWO: Booliska oo Muqdisho kusoo bandhigay Rag burcad ah oo Gaari dhacay

Ciidanka Booliska dowladda Federaalka ayaa soo qabtay rag burcad hubeysan oo Nin shacab ah degmada Howlwadaag ee Gobolka Banaadir uga dhacay gaari nooca raaxada ah, waxaana howlgal la sameeyay kadib lasoo qabtay burcadii dhaca geystay.

Taliska Ciidanka Booliska dowladda ayaa burcada hubeysan ee gaariga dhacay, uuna horjooge u ahaa Askari kamid ah Ciidanka dowladda kusoo bandhigay Saldhiga degmada Howlwadaag ee Magaalada Muqdisho, isla markaana raggaas lasoo qabtay Kaaraan.

Taliyaha Saldhiga Degmada Howlwadaag ee Gobalka Banaadir Najiib Carab oo Warbaahinta kula hadlay Saldhiga Booliska ee degmada ayaa sheegay in ay heleen xogo ku saabsan Burcaddii dhacday gaarigaan, ka dibna ay bilaabeen howlgal ay iska gaashanayeen Taliska Booliska qeybta Bari kaas oo markii dambe ay ku soo qabteen.

Qaar kamid ah Degmooyinka gobolka Banaadir ayaa waxaa bilihii la soo dhaafay kusoo badanayey Kooxo burcad ah iyo ciyaal weero dhac geysanaya, kuwaas oo ay cabasho badan ka muujiyeen dadka shacabka ah.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

DAAWO: Booliska oo Muqdisho kusoo bandhigay Rag burcad ah oo Gaari dhacay
To Top