WARARKA SOOMAALI

Qaramada Midoobay oo Malaayiin Dollar ugu deeqday Dowladda Somalia

War kasoo baxay Hay’adda OCHA ee Qaramada Midoobay u qaabbilsan arrimaha bini’aadantinimada xafiiskeeda Muqdisho ayaa lagu sheegay in khatarta macluusha Soomaaliya iyo dadka ku barakacaya ay aad kor ugu kacday.

Ku xigeenka Ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ahna isku duwaha gargaarka bini’aadantinimo ee Soomaaliya Adam Abdelmoula oo ka hadlay xaaladda abaaraha ayaa sheegtay inay OCHA bixisay 9.5 milyan oo dollarka Maraykanka ah, si gargaar degdeg ah loogu fidiyo bulshooyinka ku dhaqan meelaha khatarta ugu badan ay ka jirto.

Danjire; Adam Abdelmoula ayaa sheegay in qoondada cusub ee Sanduuqa gargaarka Bani’aadantinimo ee Soomaaliya (SHF) ay muhiimad gaar ah u yeelan doonto sidii kor loogu qaadi lahaa wax ka qabashada baahiyaha bulshooyinka ay sida daran u saameeyeen ee gobollada Baay iyo Bakool.

Qaramada midoobay ayaa sheegtay in khatarta macluusha ee Soomaaliya ay sii korodhay , taas oo saameeysay in ka badan 7 milyan oo qof, ayna ku barakaceen dad kor u dhaafaya 900,000 oo qof , iyagoo raadinaya biyo, cunto iyo daaq, kuwaas oo u badan Haween iyo carruur.

Qaramada Midoobay oo Malaayiin Dollar ugu deeqday Dowladda Somalia
To Top