WARARKA SOOMAALI

Ciidanka Dowladda oo Maanta soo Bandhigay hub laga qabsaday Al-shabaab

Ciidanka Xooga dalka ayaa degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan ku soo bandhigay hub ay saraakiisha ciidamadu sheegeen in shalay deegaanka Bukure loogu soo furtay dagaal ay la galeen Al-Shabaab.

Saraakiisha horkaceysay howlgalka ayaa sheegay dileen tiro ka mid ah Al-shabaab, ayna sii wadayaan howlagallada ka dhanka ah kooxdaas ilaa ay ka saarayaan degaannada ay maamulaan.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo howlgallada hoggaaminaya ayaa ku cel-celiya inay Al-Shabaab ka saari doonaan waddooyinka u dhaxeeya degmooyinka, Beledweyne, Maxaas iyo Matabaan

Degaanka Bukuro ee Gobolka Hiiraan waxaa ka dhacay dagaal xoogan oo u dhaxeeyay Ciidamada dowladda oo taageero ka helaya maleeshiyaad degaanka ah iyo Al-shabaab.

Ciidanka Dowladda oo Maanta soo Bandhigay hub laga qabsaday Al-shabaab
To Top